Baladweyne(Radio Beerlula)- Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta Shir Guddoominayay shirka Golaha wasiirada oo looga hadlay arrimo kale duwan oo la xiriira Howlaha Wasaaradaha Hirshabelle iyo Ka mira dhalinta qorshayaasha Horumarineed ee Hirshabelle.
Kulankan oo lagu qabtay xarunta madaxtooyada dowladda goboleedka Hirshabelle ayaa sidoo kale looga dooday Muhiimada ay leedahay daadajinta howlaha Maamulka iyo in la balaariyo dib u heshiisiinada loo sameeynayo dadka Reer Hirshabelle.
Wasiru dowlaha wasaaradda warfaafinta Hirshabeelle Maxamed Axmed Faarax ayaa ka waramaya arrimaha kale ee diirada lagu saaray kulanka.