Baledweyne ( Radio Beerlula )-Shirweynaha Urur-goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EACCON 2025) ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho.
Shirkan oo ay ka qeyb-galayaan in ka badan 350 ergo oo ka kala socota dalalka ku mideysan Urur-goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC), ayaa sanadkan diiradda lagu saarayaa xoojinta iskaashiga iyo horumarinta Aagga Wax-soosaarka ee dalalka xubnaha ka ah ururka.
Waxa soo jeedinaya Maxamed Yuusuf Cabdulaahi


