Baledweyne ( Radio Beerlula )-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada Muqdisho ka daah_furay Istaraatiijiyadda Bahda Caddaaladda Soomaaliya ee 2025-2029 oo halku-dheggeedu yahay “Dhismaha Nidaam Caddaaladdeed oo Loo Simanyahay lehna daahfurnaan, Helitaan, iyo islaxisaabtan.”
Shirka istaraatijiyadda Bahda Cadaaladda Soomaaliya ee 2025-2029 oo aay soo agaasintay Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb-galay mas’uuliyiin ka tirsan dowadda dhaxe,aqoonyahanno iyo marti sharaf kale.
Warbixintaan waxaa soojeedinaya Cabdinajiib Aweys Isxaaq.