Baladweyne ( Radio Beerlula )-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u furey Shirka Sanadlaha ah ee qiimeynta iyo dib u eegista Caafimaadka dalka oo socon doona muddo sedax cisho ah.
Daahfurka shirka waxaa ka qeyb galey Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka XFS Wasiirka Caafimaadka Hirshabeelle Agaasimaha Caafimaadka Gobolka Banaadir Cabdiraxman Axmed Maxamuud mas’uuliyiin ka socdey Wasaaradda Qorsheynta XFS xubno sare oo ka socdey dowlad goboleedyada Hey’adaha Caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha Caafimaadka Bangiga aduunka GFF iyo marti sharaf kale.
Warkan waxaa inoo haya Sacdiya Maxamed Maxamuud.


