Baledweyne ( Radio Beerlula )-Magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Africa waxaa ka socda shirka toddobaadka Tamarta Afrika.
Shirkan ayaa looga hadalayaa sidii loo dhiiri gelin lahaa maalgelinta tamarta.
Arrimaha kale ee shirkan diirada lagu saarayo ayaa waxaa ka mid ah dar-dar gelinta heshiisyada kobcinta iskaashiga iyo horumarinta mashaariicda tamarta ee Africa.
Shirakan ayaa sanadkan ku soo aadaya iyadoo malaayiin qof Africa ay ku nool yihiin koronto la’aan.