Shirka wadajir ee hannaanka qaran ee dowladdaha hoose oo ka furmay Muqdisho

0
360

Baladweyne(Radio Beerlula)- Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka ayaa waxaa maanta ka furmay shirka wadajir ee hannaanka qaran ee dowladdaha hoose oo ay ka qeyb galayaan wasiirada arimaha gudaha iyo dib u heshiista dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir.

Shirkan ayaa waxaa si rasmi ah u furay wasiirka arrimaha gudaha iyo dib u heshisiinta xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye.

Arrimaha diirada lagu saarayo shirkan ayaa waxaa ka mid ah sidii dadweynaha loo gaarsiin lahaa adeegyada muhiimka u ah  noloshooda,  loona daadajin lahaa maamulka.

Cabdi Maxamed Sabriye  ayaa tilmaamay in hadafka laga lee yahay shirkan  ay tahay horumarinta golayaasha deegaanka, hirgalinta hannaanka dhab u heshiisiinta qaranka iyo sidii xalwaara loogu heli lahaa arrimaha barakacayaasha.

“Shirkan inta uu socdo waxaa lagu gorfeyn doonaa arrimaha ku saabsan horumarinta golayaasha deegaanka, hirgalinta hannaanka dhab u heshiisiinta qaranka iyo sidii xalwaara loogu heli lahaa arrimaha barakacayaasha, sidoo kale waxaa laga doodi doonaan

dajinta qorshaha  xasilinta deegaanada la xureeyay”ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya.

Shirka madasha wadajir  ayaa socon doona muddo saddex maalmood ah waxana lagu wadaa  in lagu dajiyo qorshaha xasilinta iyo dhismaha golayaasha deegaanka degmooyinka dalka  ee lagu howl galayo saddexda bil ee soo socoto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here