Baledweyne ( Radio Beerlula )-Wasiirka Wasaarada Howlaha Guud Dowladda Koonfur galbeed Mudane Daahir Cabdi Cabdulaahi ayaa magaalada Baydhabo ka daahfuray Shirka wadatashiga iyo Ansixin Xeer-nidaamiyaha magaalooyinka KGS kaasoo socon doona mudo laba maalmood ah.
Shirka waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka wasaarada, Agaasimaha wasaaradaha Howlaha guud & Wasaarada Qorshaynta iyo masuuliyiin kale.
Warbixintaan waxaa soojeedinaya Cabduqaadir Cumar Ibraahim.