Shirka wadatashiga iyo ansixinta qaab dhismeedka manhajka xanaanada caruurta oo laga daahfuray Muqdisho.

0
166

Baladweyne (Radio Beerlula)-Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare ee XFS ayaa magaalada Muqdisho ka daah furtay shirka wadatashiga iyo ansixinta qaab dhismeedka manhajka xanaanada caruurta qaranka Soomaaliyeed oo soco doono mudo saddex cisho.

Waxa ka qeyb galay shirka kusimaha agaasimaha guud ee wasaaradda waxbrashada agaasimayaasha hormarinta manaahijta XFS iyo kuwa maamul goboleedyada xubno kasocday gobolka Banaadir iyo marti Sharaf kale.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Maxamad Yuusuf Cabdulaahi.