Baladweyne (Radio Beerlula)-Wasaaradda Warfaafinta Galmudug ayaa Maanta Magaalada Dhusamareb ee caasimada Galmudug ku soo Gabagabaysay Shirka Wadatashiga Xeerka Saxaafada Galmudug
Shirka oo socday laba maalmood ayaa waxaa ka qeyb galay wariyaasha caasimada Galmudug ee dhuusa mareeb si ay aragtidooda ugu daraan xeerka saxaafada Galmudug ee la filayo in dhawaan la horgeeyo baarlamaanka Galmudug si loo ansixiyo.
Warbixintan waxaa inoo haya Aadan Cabdi Axmed.