Shirkad ka shaqeyn doonaa dhanka dhismaha oo laga hirgeliyay Galmudug oo laga daah furay dhuusamareeb.

0
99

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Magaalada dhuusamareeb ee xaruunta maamulka Galmudug ayaa laga daah furay shirkada dhismaha ee Hansoor taasi oo ka qayb qaadan doonta Dhismayaasha sida Guryaha iyo Wadooyiinka ee Magaalada Dhuusamareeb iyo deegaanada hoos yimaada.

furitaanka Shirkada dhismaha ee hansoor waxa goob jog ahaa wasiirka ganacsiga Galmudug, mas,uuliyiin ka socday maamulka Galmudug , Madaxda shirkada dhismaha Hansor, Dhalinyaro, Odayaal dhaqameed iyo qaybaha kale ee bulshada deegaanka.

Warbixintan waxa noo haya Bilaal Daahir Waaneey.