Baladweyne ( Radio Beerlula)-Ben Zhou, oo ah madaxa shirkadda Bybit, ayaa sheegay kadib markii ay la kulmeen weerar jabsasho oo sababay in shirkadu lumiso aduun lacageed oo dhan $1.5 bilyan.
Zhou wuxuu sheegay inkastoo khasaarahaas weyn shirkada gaadhay, Bybit ay weli leedahay awood dhaqaale oo buuxda, wuxuu carrabka ku adkeeyay in hantida macaamiisha ay tahay mid amaan ah, oo aysan dhaca loo geystay shirkadu saamayn ku yeelan doonin macaamiisha.
Weerarka loo geystayBybit wuxuu dhacay xilli lacag laga soo diraayey akoon Cool Wallet loona dirayay mid Hot Wallet. Hakerka ayaa si layaableh u badalay ciwaanka lacagta loowaday, isagoo lacagta u leexiyay akoon kale oo uu isagu leeyahay.
Kooxda lagu tuhunsan yahay dhacan oo la yidhaahdo, Lazarus Group oo ka soo jeeda Waqooyiga Kuuriya, ayaa lacagtii ay dhaceen u kala diray boqolaal akoon oo kala duwan, taasoo adkaynaysa raadraaca lacagaha. Si kastaba ha ahaatee hanaanka daah-furnaanta ee uu caanka ku yahay blockchain-ka ayaa suurtagalinaysa in dhaq-dhaqaaqyada lacagta iyo akoonada loo diray lala socon karo.
Waxaa la xaqiijiyay in kooxdii weerarka geysatay ay gubeen $42 milyan, inkastoo aan la garanayn sababta rasmiga ah.
Khubarada crypto-ga ayaa rumaysan in lacagta si fudud loola bixi karin si loogu badalo lacag kaash ah, balse suurtagal ay tahay in kooxdii dhaca gaysatay ay gorgortan ay qayb ku qaadanayaan lacagta la gali doonaan Bybit si loo helo xal lacagta looga saari karo blockchain-ka iyada oo aan budhcada dabagal lagu samayneyn.


