Shirkad shaqaalaheeda ku bedashay barnaamij kushaqeeya kombyuutar.

0
156

Baladweyne (Radio Beerlula)-Maamulaha shirkad ku taal Hindiya ayaa la kulmay mowjado dhaleeceyn ah ka dib markii 90% shaqaalihiisa adeegga macaamiisha uu ku beddelay garaadka macmalka ah ee loo yaqaan (AI) chatbot.

Suumit Shah, aasaasaha shirkada Dukaan, ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in chatbot-ka uu si weyn u wanaajiyay jawaabaha la siiyo macaamiisha iyo waqtiga xalinta su’aalahooda oo uu si degdeg ah u xaliyo codsiyadooda.

Arrintan ayaa kusoo beegantay xilli ay jiraan walaac laga qabo in garaadka macmalka uu suuqa ka saari doono  dad badan oo ka shaqeeya shirkaddaha caalamka kuwaasoo hadda intooda badan u guuraya inay adeegsadan chatbot iyo robodyo.