Shirkad xiraysa 4,000 oo boos oo bani’aadan ka shaqeeyaan si ay ugu badasho garaadka macmalka ah ‘AI’

0
164

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Bangiga ugu weyn Singapore, DBS, ayaa sheegay inuu rajaynayo inuu dhimo ilaa 4,000 oo boosas shaqo ah saddexda sano ee soo socota iyadoo garaadka macmalka ah (AI) uu qaban doono shaqo badan oo ay hadda qabtaan aadanaha.

Tallaabadan ayaa saameyn doonta shaqaalaha aan rasmiga ahayn, sida uu sheegay afhayeen u hadlay banigaga, iyadoo dhimista shaqaalaha ay ka imaaneyso “isbadalka dabiiciga ah” xilli mashruucaan uu soo gaban gaboobayo.

Shaqaalaha joogtada ah ayaysan saameeyn doonin shaqaale dhimistu.

Madaxa fulinta ee bangiga, Piyush Gupta ayaa sidoo kale sheegay in la filayo in tani ay abuurto ku dhawaad 1,000 boosas shaqo ah oo cusub oo la xiriira AI ga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here