Baladweyne ( Radio Beerlula )-Sida ay baahisay wakaaladda wararka Reuters shirkadda OpenAI ay haatan ka shaqaynayso horumarinta barnaamij cusub oo baraha bulshada ah, kaas oo la mid ah baraha bulshada ee X (horey loogu yaqaanay Twitter).
Mashruucan ayaa weli ku jira marxalada wajiga hore, waxaana jira tijaabo gudaha ah oo lagu daray awoodaha ChatGPT ee sawir sameynta.
Ma cadda in barnaamijkan cusub uu noqon doono app gaar ah ama lagu dari doono adeegga ChatGPT.
Agaasimaha guud ee OpenAI, Sam Altman, ayaa la sheegay inuu raadinayo talooyin ku saabsan mashruucan.
Talaabadan cusub waxay OpenAI ku jìdaysaa tartan toos ah oo uu la galo shirkadaha X ee Elon Musk iyo Meta.
Waxaa sidoo kale suuragal ah in OpenAI ay adeeggan u isticmaasho in ay ka ururiso xog cusub oo waqtigeedii ah si kor loogu qaado tayada iyo fahamka aaladaha caqliga macmalka ah ee ay sameyso shirkadu.


