Shirkadaha Mareykanka oo ka welwelsan kharashka lagu soo rogey Fiisaha H-B1

0
101

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Shirkadaha Mareykanka ee ku tiirsan shaqaalaha Ajnabiga ah ee dibedda laga soo qorto ayaa waxaa soo foodsaaray walaac weyn kadib markii Trump uu ku amray in jeebkooda ka bixiyaan qarashka fiisaha ka hor inta uusan qofka shaqaalaha ah dalka soo galin, taasoo dhan boqol kun oo dollar.

Qaar badan oo ka mid shirkadaha go’aankan saameeyey ayaana billaabay in ay ka fikiraan in ay dalka isaga guuraan, waayo way ku adag tahay in ay maareeyaan culeyska dhaqaale ee ka dhalan kara qiimaha dal-ku-galka kordhay iyo mushaarka shaqaalaha.

Dadka falanqeeya arrimaha socdaalka xirfadleyda ayaa qaba in tillaabadani ay ragaadin doonto horumarka dhaqaalaha Mareykanka oo si weyn ugu tiirsan xirfadleyda shisheeye oo daboola baahida ka jirta dhanka teknoloojiyadda iyo daryeelka caafimaadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here