Baladweyne ( Radio Beerlula)-Shirkadda Apple ayaa ku dhawaaqday iPhone cusub oo leh islamarkana ku shaqeeya astaamaha garaadka macmalka (AI) .
Noocan cusub ee Iphone-ka ayaa qiimo ahaan jaban marka loo eego noocyadii horey loo soo saaray.
Apple waxay sheegtay in iPhone 16e uu leeyahay processor la mid ah kan iPhone 16 ee qaaliga ah, islamarkana qaadi kara oo kaydin kara macluumaad badan, in kasta meeelaha qaar uu ka hooseeyo , sida kamaradaha yar-yar oo kale.
Shirkadda Apple ayaa dhawaanahan ku la daalaa dhacaysay sidii ay u heli lahayd aalado cusub oo ay xiisayn karaan macaamiisha, xilli iibka iPhone uu hoos u dhacay dhammaadkii sannadkii hore.
Shirkaddu waxay rajaynaysaa in soo bandhigida iyo hagaajinta taleefoon leh garaadka macmalka AI oo qaali ah ay wax ka qaban doonto arrintan.