Baladweyne ( Radio Beerlula )-Shirkadda tiknoolajiyadda ee Google ayaa lagu amray inay bixiso lacag dhan $425 milyan kadib markii maxkamad ku taalla dalka Mareykanka ay go’aamisay in Google ay xad-gudub ku sameysay xogta malaayiin isticmaale ah.
Garsoorayaasha ku sugan magaalada San Francisco ayaa go’aankan soo saaray, ka dib markii koox isticmaasha adeegga Google ay ku eedeeyeen Google inay si joogto ah u ururinaysay xog laga helayo barnaamijyo ay isticmaalayen, xitaa markii ay isticmaaleyaashu beddeleen goobaha akoonkooda si looga hortago arintaas.
Google ayaa sheegtay in garsoorayaasha aysan si sax ah u fahmin sida adeegeedu u shaqeyo, waxayna ku dhawaaqday inay racfaan ka qaadan doonto go’aanka maxkamadda.


