Baladweyne (Radio Beerlula)-Maamullada horyaalka Ingiriiska ee Premier League, EFL iyo ururka xirfadleyaasha ciyaartoyda PFA ayaa go’aan cusub ka gaadhay tartamada kala duwan ee xili ciyaareedkan, kuwaas oo hakad ugu jira xanuunka Coronavirus
Horyaalka Premier League, Championship iyo FA Cup-ka ayaa dhamaantood taagan waddanka Ingiriiska, sidoo kalena waxa hakad ku jira tartamada hoose, iyadoo qaarkoodna xalay uu xidhiidhka FA-gu baabi’iyey oo si buuxda waxba kama jiraan looga dhigay kulamadii ay kooxuhu ciyaareen.
Tartanka Premier League ayaa hore loogu muddeeyey in April 4 dib loo bilaabo, laakiin waxa xigay in aanay suurtogal ahayn in waqtigaas ay ciyaaruhu dib u bilaabmi karaan iyadoo xanuunka Coroanvirus uu si xawli ah ugu faafayo Ingiriiska iyo dunida kaleba, waxaana dib loogu riixay mar kale April 30, sida lagu sheegay kulanka maanta, laakiin wali waxa jira hubanti la’aan kale.
Shirka ay maanta yeesheen Premeir League, EFL iyo PFA ayaa waxa laga soo saaray go’aamo lagu xallinayo saamaynta xanuunka Coronvirus, gaar ahaan midda dhaqaale ee ku habsatay naadiyada iyo waqtiga suurtogalka ay ee dib ay u bilaabmayaan ciyaaaraha kala duwan.
Saddexda dhinac waxay ku heshiiyeen in saamaynta dhaqaale ee ka dhalatay xayiraadda ciyaaraha kala duwan ee Ingiriiska si wada-jir ah ay u qaybsadaan xalkooda kooxaha iyo ciyaartoydu, isla markaan dib loogu noqdo qandaraasyada naadiyadu kula jiraan laacibiintooda oo mushahar dhimis la sameeyo muddada arrintani taagan tahay.
Waxa kale oo ay isla qaateen in aanay suurtogal ahayn in waqti ka horreeya April 30 ay ciyaaruhu dib u bilaabmaan, waxaanay kusii dareen in kaliya waqtigaasna ay bilaabmi doonaan marka bad-qabka iyo xaaladdu saamaxaan.
Saddexda dhinac ayaa toddobaadka dambe yeelan doona kulan ay ku dejinayaan qaaciidada qorshe heshiis oo wada-jir ah oo ay ka gaadhayaan duruufaha adag ee soo food-saaray horyaallada, kooxaha, ciyaartoyda, shaqaalaha iyo taageereyaasha.