Baladweyne (Radio Beerlula)- Waxaa Magaalada Sharma Shiikh ee Dalka Masar lagu soo gabagabeyay Shirka 17-aad ee Wasiiradaha Maaliyadda Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika.
Shirkaan oo looga hadlay qodobo dhowr ah oo xambaarsanaa Horumarinta Dalalka Geeska Afrika ayaa diiradda loogu saaray isku xirka dalalka Soomaaliya, Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya oo loo sameynayo Waddooyin waaweyn oo isku xira si loo hormariyo Ganacsiga dalalka Geeska.
Warbixintan waxaa soo jeedinaya Aadan Cabdi Axmad.