Shirweynaha 113-aad ee Shaqaalaha Caalamiga ah oo ka furay dalka Switzerland

0
154

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Yusuf Mohamed, ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland uga qeybgalaya Shirweynaha 113-aad ee Shaqaalaha Caalamiga ah ee socon doona inta u dhaxaysa 2-da ilaa 14-ka June 2025.

Shirkan oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Shaqaalaha Adduunka (International Labor Organisation) ayaa waxaa isugu yimid Shaqaalaha, loo shaqeeyaha iyo wufuudda dawladaha ee ka kala socda 187-da dawladood ee xubnaha ka ah ILO, waxaa lagaga hadlaya arrimo badan oo kala duwan, oo ay ku jiraan: mabaadi’da aasaasiga ah iyo xuquuqda shaqada, ilaalinta khataraha noolaha ee deegaanka shaqada, shaqo hufan iyo daryeelka bulshada.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Aadan Cabdi Axmad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here