Shirweynaha dhallinyarada Soomaaliyeed oo ka furmay Muqdisho

0
106

Baladweyne (Radio Beerlula)-Raisulwasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre iyo Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Mudane Maxamed Barre ayaa magaalada Muqdisho ka daahfuray Shirweynaha qaran ee dhalinyarada iyadoo ay ka qeybgaleen wasiiro,Xildhibaano,dhallinyaro,haween iyo bulshada qeybahooda kala duwan.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa Ujeedka laga leeyahay waxaa kamid ah Hormarinta Dhallinyarada Hal-abuurka iyo hibooyinka leh ,muujinta doorkooda Nabadda ,Amniga iyo jaangooynta siyaasadda dalka.

Warbixintan waxaa inoo haya Cabdiqadir Cumar Ibraahin