Baladweyne ( Radio Beerlula )-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magaalada Muqdisho ka daah furay Shirweynaha Qaran ee Maalgashiga Cuntada iyo Beeraha, oo lagu soo bandhigay caqabadaha waaweyn ee ku hor gudban kor u qaadista wax soo saarka dalka, iyo sida looga faa’ideysan karo fursadaha dhanka maalgashiga ee beeraha.
Daah furkan shirweynahan ayaa waxaa ka qeyb galay wasiirka beeraha Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir ( Mareeyee), wasiiro ka tirsan xukuumadda, xildhibaano, xubno ka socda qaar ka mid ah iskaashatooyinka beeraha dalka iyo marti sharaf kale.
Warbixintaan waxaa soojeedinaya Maxamed Yuusuf Cabdulaahi.
Audio Player