Baladwayne ( Radio Beerlula )-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo haatan ku sugan magaalada Dooxa ee caasimada dalka Qatar ayaa maanta magaaladaas si rasmi ah uga furay Shirweynaha Qurbajoogta Soomaaliyeed.
Shirkan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya ayaa waxa ka soo qaybgalay boqolaal Soomaali ah oo ku kala nool daafaha caalamka, kuwaasi oo shirku uga socon doono magaalada Dooxa 22 – 24 Luulyo 2024.
Warbixintaan waxaa soojeedinaya Cabdinajiib Aweys Isxaaq.