Shirweynaha ururada shaqalaha Soomaaliyeed oo ka furmay Muqdisho

0
63

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Ra’iisal Wasaare kuxigeenka Labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay), ayaa maanta furey Shirweynaha Shanaad ee Ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed (FESTU) oo maanta ka qabsoomay magaalada Muqdisho .

Shirka oo ay ka soo qeyb galeen 320 ergo oo ka kala socda Dowlad Goboleedyada Dalka, Gobolka Banaadir iyo wakiillo matalaya 12-ka urur oo shaqaalaha Soomaaliyeed ah, ayaa maalmaha uu socda looga arrisan doonaa difaaca xuquuqda shaqaalaha iyo madal istiraatiiji ah oo lagu xoojinayo hannaanka dimoqraadiyadeed ee gudaha, laguna adkaynayo midnimada shaqaalaha, la dagaallanka caddaalad-darrada, horumarinta dimoqraadiyadda, kor u qaadidda shaqo abuur, iyo horumar qaran oo ku dhisan sinnaansho iyo caddaalad bulsho.

Warbixintaan waxaa soojeedinaya Cabdinajiib Aweys Isxaaq.

Audio Player

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here