Baladweyne ( Radio Beerlula )-Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho ku soo gaba gabeeyay shirweynaha qaran ee xaquuqul insaanka Soomaaliya kaasoo muddo laba maalmood ah lagu gorfeynayay xaaladda xaquuqda aadanaha dalka.
Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka socda hay’addaha dowladda, qaramada midoobay, ha’yaddaha ka shaqeeya arrimaha xaquuqda aadanaha, culumaaudiin iyo marti sharaf kale iyadoo madashan lagu soo bandhigay aragtiyo kala duwan oo la xirira qaabka ugu haboon ee loo ilaalin karo xaquuqda aadanaha.
Warkan waxaa inoo haya Maxamed Cabdi Saaneey.
Audio Player

