Shuruudan Oo Kaliya Ayaa Barcelona Ka Xigta Saxeexa Mid Kamida Daafacyada Ugu Fiican La Liga

0
168

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Barcelona ayaa markale daafaca iska soo xoojin doonta suuqa xagaaga balse kaliya haddii maamulka La Liga u fasaxo maadaama culays dhinaca dhaqaalaha ah oo saxeexyo badan kahor istaagayaa saaran yahay.

Barcelona ayaa aaminsan inaysan wax badan u jirin inay xaliso dhibka ka haysta xadiga mushahar bixinteeda balse madaxweynaha La Liga ee Javier Tebas ayaa qaba aragti ka duwan oo ah inay wax badani uga hadheen.

Sida uu sheegayo wargeyska Cadena SER, Barca ayaa wadahadalo hordhac ah sii galaysa kahor suuqa xagaaga waxaana bartilmaameed u ah daafaca dhexe ee Athleti Bilbao ee Inigo Martinez oo heshiikiisa San Mames dhacayo xagaaga.

31 sano jirkaas ayaa la filayaa inuu xiiso ka helo kooxo badan oo Yurub ah laakiin waxa la fahamsan yahay inuu Barcelona ka degi doono haddii sharciga La Liga u ogolaado sidaas.

“Haddii Barcelona xaliso dhibaatooyinkeeda dhaqaale, waa heshiis dhammaaday” ayay ahayd jawaabta uu helay wargeyska Cadena SER.

Martinez ayaa ah daafac ay bilaash ku helayso Barca, mushahar badani kaga baxayn isla markaana ah daafac dhexe oo bidixle ah oo ah wax haatan ka maqan xulashada tababare Xavi Hernandez.

Martinez ayaan joogto ka ahayn shaxda Bilbao xilli ciyaareedkan sababo dhaawacyo, ilaa haatan kaliya wuxuu saftay 10 kulan.