Sicir-barar ku yimid qiimaha maciishadda dalka kenya

0
119

Baladweyne (Radio Beerlula)- Dadka ku nool dalka Kenya ayaa ka cabanaya qiimaha maciishadda oo kor u kacay.

Ganacsatada ayaa arrintan u sababaynaya sare u kac xooggan oo ku yimid sarifka lacagta dollar-ka oo ay ganacsatadu adeegsadaan.

Qaar ka mid ah dadka reer Kenya oo qiima kororkan ka cabanaya ayaa dibadbaxyo ka dhigaya qeybo ka mid ah dalka Kenya.

Dowladda Kenya ayaa wada qorshe wax looga qabanayo sicir bararka ku yimid qiimaha maciishadda taasoo sameysay dadka danyarta.