Sicir barar ku yimid qiimaha saliid macsarada suuqyada Baladweyne.

0
79

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Suuqayada lagu iibiyo Saliid macsarada ee magaalada Baladweyne ayaa laga dareemayaa sara u kac ku yimid qiimaha la iibiyo Saliida.

Liitarka saliid Macsarada ayaa hada la iibinaya 2.8 halkii markii hore uu ahaa 1.3 halka jirganka saliida uu marayo 53 dollar iyadoo sara u kacaan uu sababay dalagyadii sisinta laga sameeyn jiray Saliida Macsarada oo sanadkaan Beerlayda aysan soo saarin dalag ku filan Suuqa maadamaa aysan tacbin beerihii iyaga oo ka cabsanaya fatahaadaha Wabiga Shabeele.

Warbixintaan waxaa soojeedinaya Bilaal Daahir Waaneey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here