Sida ay Shimbiraha Mareykanka ugu basaasi jireen Ruushka oo la kashifay

0
319

Baladweyne(Radio Beerlula)- Hayadda sirdoonka Mareykanka ee CIA-da ayaa faahfaahisay sida ay Mareykanku howlaha basaaska ugu adeegsan jireen Shimbiraha, intii uu socday dagaalkii qaboobaa ee ay kula jireen midowgii Soviet.

Feylasha lasoo bandhigay ayaa muujinaya sida nooc ka mid ah Shimbiraha oo Soomaalida qaar ay u yaqaannaan ‘qooley xamaam’ loogu tababari jiray inay howlgallo basaas ah kasoo sameeyaan xarumo laga heli karo xogo sir ah oo xasaasi ah, kuwaasoo ku yaalla gudaha dhulkii uu gacanta ku hayay Midowgii Soviet ee uu horkacayay Ruushka.

Shimbirahan ayaa sawirro muhiim ah kasoo qaadi jiray meelo loogu tala galay inay si qarsoodi ah ku tagaan, sida warbixintan CIA-du ay sharraxday.

Xogtan shaaca laga qaaday ayaa sidoo kale lagu sheegay faahfaahin buuxda oo ku aaddan sidii Shimbirka Tukaha loogu dhiibi jiray qalabka codka gudbiya, kuwaasoo ay ka ridi jireen daaqadaha xafiisyada la basaasayo, iyo waliba qaabkii xayawaanka loo yaqaanno Hoon-baro ee badda ku jira loogu tababari jiray howlgallada biyaha hoostooda ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here