Baladweyne ( Radio Beerlula )-Atletico Madrid ayaa wacdaro ka dhigaysa suuqa kala iibsiga xagaagan.
Haddii ay si rasmi ah u dhameeystirto heshiisyada Julian Alvarez iyo Conor Gallagher waxaa isbedel weyn ku imaanaya nidaamka kooxda.
Atletico waxay hore ula soo wareegtay Alexander Sorloth iyo Robin Le Normand.
Imaashaha Gallagher iyo heshiiska Alvarez hadii la dardargeliyo waxay ka dhigi doontaa in tartan adag uu ka dhasho kooxda dhexdeeda.
Simeone ayaa ciyaari doona shax ciyaareedka 3-5-2 ee uu inta badan xilli ciyaareedkii hore ciyaarayay waana nidaam mar kale noqon kara mid waxtar leh.
Robin Le Normand ,Axel Witsel iyo Jose Gimenez ayaa daafaca kusoo bilaabanaya.
Marcos Llorente , Samuel Lino, Gallagher, Koke iyo De Paul waxay noqon doonan shanta dhexe.
Halka Antoine Griezmann iyo Julian Alvarez ay noqon doonaan Labada weeraryahan ee kooxda.