Sol Campbell Oo Magacaabay LABADA Weeraryahan Ee Ay Arsenal U Baahan Tahay Inay La Saxeexato

0
83

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Halyeygii Arsenale ee Sol Campbell  ayaa magacaabay laba weeraryahanno ah oo ay u baahan tahay Gunners in ay la saxeexato bisha January, kuwaas oo uu tababare Mikel Arteta farta ugu fiiqay si ay ugu tartami karaan horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League.

Gunners oo 12 diyaarood oo Premier League ah oo ay dheeshay ka xoogsatay 27 dhibcood, ayaa waxa ay kaliya hal dhibic ka hoosaysaa Manchester City oo hoggaanka u haysa horyaalka Premeir League.

Tababare Mikel Arteta ayay kooxdiisu haysatay labada weeraryahan ee Gabriel Jesus iyo Eddie Nketiah, waxaase lasoo darsaday dhaawacyo ay labadooduba ku maqnaayeen kulamadii ugu dambeeyey, taas oo keentay in weerar dhexe laga ciyaarsiiyo Leandro Trossard oo bandhig fiican ka sameeyey.

Sol Campbell oo ka mid ahaa xiddigihii Arsenal ee ku guuleystay horyaalka Premier League sannadkii 2004, ayaa waxa uu usoo jeediyey Mikel Arteta in bisha January uu la saxeexyo weeraryahan dhexe, waxaanu yidhi: “Waa in aad weeraryahan dhexe la saxeexato bisha January, waad u baahan tahay.

“Waxa aad u baahan tahay weeraryahan sannadkii dhaliya 20 illaa 25 gool oo Premier League ah, sababtoo ah waad ogtahay kooxaha waaweyn iyo sida ay u adag yihiin, markaa way ku caawin doonaan goolashaasi.”

Sol Campbell oo la weydiiyey weeraryahannada uu Arsenal la doonayo inay la saxeexato ayaa yidhi: “Victor Osimhem, laakiin miyey doonayaan inay bixiyaan lacag sidaa u badan? Waxa kale oo jooga Ivan Toney oo ay ila tahay inuu ku fiicnaan lahaa iyaga.”