Somaaliya iyo Uganda oo dheelaya Isreebreebka koobka CHAN 2020 & waqtiga la ciyaarayo

0
414

Baladweyne(Radio Beerlula)- Xulalka Soomaaliya iyo Uganda ayaa Maanta oo Sabti ah waxa ay isaga horimaan doonaan garoonka Al Haji Hussein Guled Stadium ee magaalada Jabuuti lugta hore ee isreebreebka koobka CHAN 2020.

Ciyaartaan ayaa marti loo yahay xulka Soomaaliya laakiin waxa ay ka dhaceysaa Jabuuti iyadoo kulanka lugta labaad ey ka dhiic doonto garoonka StarTimes Stadium ee dalka Uganda 3da bisha Agoosto.

Ciyaarta  waxa ay bilaaban doontaa Saacada Geeska Afrika marka ay tahay 6pm.

Xulka Soomaaliya ayaa kulankaan isagu diyaariyay kulan saaxiibtinimo oo ay 22kii bishaan July la ciyaareen xulka Jabuuti, laakiin guuldarro 1-0 ay ka soo gaartay xulka Jabuuti.

Uganda ayaa iyagana shalay gaaray Jabuuti iyagoo hore u kaxeystay 18ka ciyaaryahan ee ay u adeegsanayaan kulankan

Kulanka waxaa garsoore ka noqon doona garsooraha Itoobiya Belay Tadesse.

Haddii Soomaaliya ay ka soo gudubto Uganda labada lug ee la ciyaarayo, waxa ay u soo gudbin doontaa wareega labaad ee isreebreebka.

Koobka CHAN waa mid loogu talogalay inay ciyaaraan xulalka Afrika balse sharuuda ay tahay inay xulalka u dheelaan ciyaartoyda ka ciyaarta horyaalada wadamada ka qeyb galaya oo looma ogola ciyaartoyda ka ciyaarta meel ka baxsan dalkaas.

Tartanka waxaa sannadka 2020 lagu qaban doonaa dalka Cameroon, waxaa markii hore la siiyay inay martigeliyaan Itoobiya laakiin xiriirka kubada cagta Afrika ayaa u arkay inaysan diyaar u aheyn martigelinta Koobka.

Xulka Morocco ayaa difaacanaya koobkaan iyadoo tartanka uu dhici doono inta u dhaxeysa Janaayo ilaa Febraayo 2020.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here