Soo galooti laga soo tarxiilay Maraykanka oo gaaray Rwanda

0
120

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Todobo soo galooti ayaa noqday kooxdii ugu horaysay ee laga soo tarxiilo Maraykanka ee la geeyo Rwanda.

Kooxda ayaa halkaasi lagu geeyay heshiiska cusub oo dhaxmaray dowladaha Mareykanka iyo Rwanda .

Rwanda ayaa sheegtay in afar kamid ah todobadaasi qof ay sii joogayaan dalkaasi, halka saddexda kale ay ku laabanayaan dalalkooda.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa markii xilka uu la wareegay balan qaaday inuu tarxili doono dadka sida sharci darada ah ku jooga dalka Mareykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here