Spain Oo U Gudubtay Finalka Euro 2024 Kadib Markii Ay Munich Ku Bahdishay France & Yamal Oo Taariikh Sameeyay.

0
84

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Guul xilli horaba ay ka shaqeeyen Spain ayee ka gaareen France, ciyaar qurux badan oo ku dhex martay garoonka Allianz Arena ee Magaalada Munich.

Spain ayaa ku badisay 2-1, iyagoo labada gool ka helay Lamine Yamal iyo gool shaqadiisu laha Dani Olmo balse Kounde uu iska dhaliyay, halka goolka madiga ah ee France ay ka heshay weeraryahankooda Kolo Muani.

Laba gool oo afar daqiiqo gudahood lagu kala dhaliyay qeybta hore ee ciyaarta ayeey Spain 2-1 kaga badisay France, waxaana ay u soo baxeen finalka UEFA Euro 2024.

Ku guuleystayaasha Euro-kii 2008 iyo 2012, Spain waxay hadda ciyaari doontaa finalkii shanaad ee Euro.

Tababaraha La Roja Luis de la Fuente ayaa ciyaartani sameeyay seddex isbedel.

Olmo ayuu kusoo bilaabay kaasi oo bedalay Pedri oo dhaawacan, halka Jesus Navas oo 38 jir ah iyo Nacho ay ku soo bilowdeen iyagoo bedalay Dani Carvajal iyo Robin Le Normand.

Daafaca midig ee Sevilla Navas ayaa noqday ciyaaryahankii ugu da’da weynaa ee garoon ka ciyaara tartan weyn tan iyo 2014.

Dhinaca kale Didier Deschamps ayaa hal bedel ku sameeyay kooxdii rigoorayaasha kaga badisay Portugal iyadoo Ousmane Dembele uu ka doorbiday Antoine Griezmann.

Guushan Spain ayaa ka dhigan inay cagta saareen finalka , iyagoo Axada magaalada Berlin kula ciyaari doonaan xulkii soo baxa kulanka kale ee semi-finalka ee

 England iyo Netherlands