Sucuudiga oo ogolaaday in haween ka qayb galaan tartanka fardaha

0
329

Baladweyne(Radio Beerlula)- Boqortooyada Sucuudiga ayaa soo dhawaysay in haween ka qayb galaan tartanka fardo fuulka ee dalkeedu marti gelin doono, abaal marinta lagu helayana lagu qiyaaso ilaa 27 milyan oo doolar.

Tartankaas oo noqon doona ka abaal marinta lagu helayaa ugu qiimo badan tahay dunida, ayaa la filayaa in uu ka dhaco magaalo madaxda Riyaad 29 Feeberweri 2020.

Gudoomiyaha xidhiidhka fardo fuulka Sucuudiga, Amiir Bandar Bin Khaalid Al-Faysal, ayaa yidhi “hablaha fardo fuulka ku tartama waa lagu soo dhawaynayaa” in ay ka qayb galaan tartankan.

Go’aankan ayaa noqon kara tallaabo furfurnaani ka muuqato oo uu qaaday dal had iyo goor lagu dhaliilo halka uu ka taaganyahay xuquuqda haweenka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here