Baladweyne ( Radio Beerlula )-Kooxda Paris Saint-Germain ayaa noqotay kooxda ugu cadcad hanashada Koobka Adduunka ee Naadiyada 2025, sida ay muujinayaan saadaasha cusub ee supercomputer-ka ee shirkadda Opta. PSG ayaa hadda hoggaanka u haysa saadaasha iyagoo leh 39.33% fursad ay ku qaadi karaan koobka, taasoo ka sareysa Chelsea iyo Real Madrid.
Natiijooyinkii wareegga siddeed-dhamaadka ayaa xaqiijiyay afarta kooxood ee u gudbay afar-dhamaadka. Chelsea ayaa la ciyaari doonta Fluminense, halka PSG ay wajihi doonto Real Madrid kulan adag oo lagu go’aaminayo kooxda tagaysa finalka.
Chelsea, inkastoo ay 2-1 kaga adkaatay Palmeiras, haddana fursaddeeda hanashada koobka ayaa hoos ugu dhacday 33.27%, taasoo ka riday kaalinta labaad. Real Madrid oo 3-2 kaga adkaatay Borussia Dortmund, ayaa lagu qiimeeyay inay haystaan 24.67% fursad. Fluminense, oo 2-1 ku reebtay Al Hilal, ayaa loo arkaa iney gaari doonto meesha ugu hooseysa iyagoo heli doona 2.72%.
Ciyaaraha afar-dhamaadka ayaa dhici doona 8-da iyo 9-ka Luulyo. Chelsea iyo Fluminense ayaa kulmaya ciyaarta koowaad, halka PSG iyo Real Madrid ay isku haleelayaan kulan aad loo wada sugayo oo go’aamin doona cida gaari doonta final-ka.
Kooxda badisa kulanka PSG vs Real Madrid ayaa loo saadaaliyay inay si weyn uga soo muuqato finalka, marka la eego xaaladdooda ciyaareed iyo xogaha saadaasha ee hadda jira.