Supercomputer Oo Saadaal Cusub Sameeyey – Miyey Liverpool & Chelsea Iman Doonaan Afarta Sare?

0
128

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Tartanka afarta kaalmood ee sare ee horyaalka Premier League ayaa kululaday toddobaadkan, iyaga oo dhawr kooxood dedaal badan ugu jira inay kasoo muuqdaan Champions League xilli ciyaareedka dambe, balse xaqiiqadu tahay in kaliya afar kooxood ay iska soo xaadirin doonaan fagaaraha ugu weyn Yurub.

Barbarrihii goolal la’aanta ahaa ee Manchester United ay la gashay Southampton ayaa furay furin cusub oo horyaalka ah, iyadoo naadiyadii aan markii hore rajada ka qabin inay soo qabanayaan Man United ay hadda dib usoo noolaadeen.

Niyad-jabkii ay Man United kasoo qaadday xasuuqii 7-0 ee Liverpool iyo barbarraha Southampton oo waliba uu u raacayo ganaax afar ciyaarood oo la saaray Casemiro iyo dhaawac soo gaadhay Alejandro Garnacho ayaa Manchester United sii wiiqaya.

Tottenham ayaa laba dhibcood oo kaliya u jirsatay  Man United markii ay 3-1 ku karbaashtay Nottingham Forest, hase yeeshee Newcastle United ayaa iyaduna muujisay in ay u dagallamayso sidii ay booskeedii afraad usoo ceshan lahayd markii ay 2-1 ku suul-daartay Wolves waqti dambe oo xalay ah, balse waxa dhibcolumiyey Brighton, Brentford iyo Fulham.

Kaddib natiijooyinkii toddobaadkan, Supercomputer ayaa soo saaray saaraal cusub oo ku saabsan sida uu noqonayo horyaalka Premier League maalinta ugu dambaysa ee lasoo gabogabaynayo ee dhamaadka bisha May, waxaana uu caleemo-saaray Arsenal oo uu u sheegay in Man City aanay awoodi doonin inay soo qabato.

Supercomputer ayaa waxa uu kaalinta labaad u daayey Manchester City oo shan dhibcood ka dambayn doonta Arsenal halka Manchester United iyo Newcastle ay dhamaystiri doonaan afarta sare ee Champions League uga soo muuqanaya Ingiriiska xilli ciyaareedka dambe.

Liverpool ma awoodi doonto inay soo dhaafto Tottenham oo kaalinta shanaad ku dhamaysanaysa sida saadaashan cusub sheegay, waxaanay hoos ugu dhici doonaan toddobaad halka booska lixaad ay cidhiidhsan doonto Brighton oo iyadoo ay kulamo baaqi u yihiin aan wax badan ka hoosaynin Liverpool.

Chelsea ayaa hal darajo sare usoo dallici doonta oo iman doonta sagaalaad, halka Southampton, Everton iyo Bournemouth ay heerka labaad u dhici doonaan.

Halkan kaga bogo saadashii u dambaysay ee Supercomputer