Supercomputer Oo Saadaaliyey Kooxda Ku Guuleysanaysa Champions League

0
81

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Kaddib markii lasoo saaray isku-aadka wareegga 16ka tartanka Champions League, Supercomputer ayaa saadaaliyey kooxda ku guuleysanaysa tartankan oo ay 16 kooxood ku dagaallamayaan, waxaana uu ka farxiyey hal koox iyo dhawr kale oo uu soo-raaceyaal ka dhigay.

Manchester City oo ah kooxda koobka difaacanaysa, waxay la ciyaari doontaa FC Copenhagen, halka Arsenal oo ah kooxda labaad ee Ingiriiska ay isku beegmeen FC Porto.

Isku-dhacyada ugu adag waa Barcelona iyo Napoli, Atletico Madrid iyo Inter Milan, iyadoo Real Madrid iyo Bayern Munich ay ku kala beegmeen RB Leipzig iyo Lazio, balse Paris Saint-Germain ayaa imtixaan fudud maraysa oo ku dhacday Real Sociedad.

Supercomputer oo adeegsanaya qaaciidooyin xisaabeed, ayaa waxa uu saadaaliyey kooxda ugu fursadda fiican ee ku guuleysan doonto, waxaana uu mar kale koobka Champions League ku celiyey waddanka Ingiriiska ee uu hadda yaallo ee ay geystay Manchester City.

Saadaasa waxa Supercomputer uu ku sheegay, in Man City ay 49 boqolkiiba ku guuleysanayso, halka Bayern Munich ay tahay kooxda labaad ee ugu fursadda fiican oo ay 18% kaliya haysato.

Real Madrid ayaa ah kooxda saddexaad ee ugu fursadda fiican sida saadaashu muujinayso, waxaanay Los Blancos oo 14 jeer ku guuleysatay tartanka ay hadda fursaddeedu tahay 14%, iyadoo Arsenal ay ku jirto afraad oo kaliya fursaddeeduay tahay 9%.

Sawirka saadaasha Supercomputer

Sida ay kooxuhu iskugu beegmeen

FC Porto vs Arsenal

Napoli vs Barcelona

Paris Saint-Germain vs Real Sociedad

Inter Milan vs Atlético Madrid

PSV Eindhoven vs Borussia Dortmund

Lazio vs Bayern Munich

FC Copenhagen vs Manchester City

RB Leipzig vs Real Madrid