Supercomputer Saadaaliyay Miiska Kala Sareynta Premier League Ee Xilli Ciyaareedka Cusub

0
100

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Supercomputer ayaa saadaaliyay sida uu noqon doono miiska kala sareynta Premier League ee xilli ciyaareedka bilaabanaya ee 2023/24.

Supercomputer-ka ayaa saadaaliyay kooxda hanan doonta hortaalka, afarta kooxood ee u soo baxaya Champions League iyo seddexda kooxood ee u dhacaya heerka labaad.

Wuxuu saadaaliyay in Manchester City ay difaacan doonto horyaalka Premier League oo ay ku guuleysan doonaan markii afaraad oo isku xigta.

Wuxuu kaalinta labaad u saadaaliyay Arsenal oo loo saadaaliyay in mar kale ku hungoobi doonto hamigeeda hanashada horyaalka.

Kaalinta seddexaad waxaa loo saadaaliyay Liverpool, iyadoo Supercomputer uu qabo in Reds ay ka soo kabsan doonto niyadjabkii xilli ciyaareedkii hore.

Kaalinta afaraad waxaa loogu saadaaliyay Manchester United iyadoo supercomputer uu saadaaliyay inay shan dhibcood ka sarre mari doonaan kooxda kaalinta 5aad loo saadaaliyay ee Newcastle.

Seddexda kooxood ee loo saadaaliyay inay heerka labaad u dhici doonaan waa Nottingham Forest, Sheffield United iyo Luton.