Suudaan oo u yeertay safiirkeeda Kenya

0
154

Baladweyne (Radio Beerlula)- Xukuumadda militariga ah ee Suudaan ayaa dib ugu yeeratay danjirihii u joogey dalka Kenya si ay ugala tashato go’aanka Nairobi ku martigelisey kooxda hubeysan ee RSF iyo kooxo gacansaar la leh kuwaas oo doonaya inay dhisaan maamul kale oo ka soo horjeeda dowladda Suudaan.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Suudaan ayaa sheegtay in safiirkeeda loo yeeray “si wadatashi loola yeesho,” iyada oo ku eedeysay Kenya inay martigelisay “shirarka maleeshiyada fallaagada ah iyo xulafadooda,” tallaabo ay ku tilmaantay mid cadaawad ku ah Suudaan, sida ay werisay wakaaladda wararka dowladda, SUNA.

Munaasabad heer sare ah oo toddobaadkan ka dhacday Nairobi, ciidamada sida militariga u tababaran ee gurmadka deg degga ah ee RSF, oo muddo ku dhow laba sano dagaal kula jiray militariga rasmiga ah, ayaa shaaciyay inay saxiixi doonaan axdi aas-aasi ah oo horseedi doona dhismaha “Xukuumadda Nabadda iyo Midnimada”.

Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ayaa Arbacadii ka digay in arrintani “keeni karto kala qeybsanaan hor leh oo dalka ku timaadda, taasoo sii xumeyn karta xasaradda”.

Khamiistii, Jaamacadda Carabta ayaa cambaareysay “tallaabo kasta oo wiiqi karta midnimada Suudaan ama horseedi karta kala qeybsanaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here