Suuq la’aan soo food saartay ganacsatada iibisa digaaga ee magaalada Jowhar.

0
102

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Ganacsatada Iibisa digaaga ee ku nool maagalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa xiligan soo food saaray suuq la’aan iyo hoos u dhac ku yimid digaagii la keeni jiray suuqa xaafadda Hantiwadaag.

Dadka iibiya digaaga ayaan heysan suuq ay ku iibiyaan oo gaar ah islamarkana meel banan ah ay la istaagan digaaga ay iibiyan, sidoo kale waxaa xiligan yaraaday digaagii la keeni jiray suuqa taasoo caqabad ku noqoto dadkan nolol maalmooda ka raadsada iibinta digaaga.

Warbixintaan waxaa soojeedinaya Xaawo Luul Aadan Xuseen.