Suuq loogu talo galay dadka ku shaqeysta xirfadaha farsamada gacanta oo xariga laga jaray Baydhabo.

0
147

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Gudoomiyaha degmada Baydhabo iyo madaxa hay’ada ILO ee qeybta Baydhabo ayaa si wadajir ah xariga uga jarey suuqa Siigaale oo ku yaalla magaaladaasi kaasi oo dib u dhis lagu sameeyey isla markaana ay ku shaqeeystaan xoogsatada farsameeya agabka laga sameeyo biraha sida,Mindiyada,Alxanka alaabaha wax lagu karsado ,qalabka beeraha iyo kuwa kale .

Munaasabadda xarig jarka waxaa kasoo qeyb galey odayaasha dhaqanka, farsamayaqaanada suuqa Siigaale,wasiiro iyo bulshada qeybahooda kala duwan.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Cabduqaadir Cumar Ibraahim

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here