Baladweyne ( Radio Beerlula )-Degmada Balcad ee Gobalka Shabeellaha Dhexe ayaa lagu qabtay munaasabad xariga looga jarayay suuq looga talagalay ganacsatada yaryar islamarkana laga hirgiliyay xaafada Xaawo-taako ee Degmadaasi.
Munaasabadda xariga looga jarayay suuqan oo aay dhismahiisa iska kaashadeen Maamulka Degmada Balcad iyo Hay’adda Islaamic Relief ayaa waxaa ka qeyb-galay masuuliyiin ka tirsan dowadda hoose ee Degmada Balcad,Xubno ka socday Hay’adda Islaamic Relief iyo qaar kamid ah Bulshada Degmadaasi.
Warkan waxaa inoo haya Cabdimajiid Aweeys Isaaq
Audio Player

