Suuqa hilibka degmadda Dharkeynley oo xariga laga jaray.

0
82

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa xariga ka jaray suuqa Hilibka Dhamme Yaasiin Cartan ee degmadda Dharkeynleey.

Munaasabada waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Degmada Dharkeenley Yuusuf Maxamuud Cali, masuuliyiin ka socday hay’adda FAO oo ka qeyb qaatay dhismaha kawaanka, Agaasimaha waaxda Suuqyada Dowladda Hoose ee Xamar iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Degmada Dharkeenley.

Warbixintaan waxa soojeedinaya Sacdiyo Maxamed Maxamuud.