SUUQA KALA IIBSIGA: Liiska Xiddigaha U Yimid Ama Ka Tagay Ilaa Iyo Haatan Kooxaha Ugu Waa Weyn Premier League

0
357

Baladweyne(Radio Beerlula)- Kooxaha Premier League ayaa dhawaan shaaciyay liiska ciyaartoyda ay iska fasaxeen ka hor xilli ciyaareedka cusub, waxaana ay sidoo kale suuqa kala iibsiga ugu jiraan inay soo iibsadaan xiddigo ay isku adkeeyaan xilli ciyaareedka soo socda.

Manchester United ayaa ah kooxda kaliya ee kooxaha waa weyn ee ilaa iyo haatan saxiix cusub ku dhawaaqday xagaagan markii ay Daniel James oo aad loo qiimeeyo kala soo wareegeen kooxda Swansea City.

Chelsea ayaa iyadana noqotay kooxda kaliya ee xiddig weyn iska iibisay ilaa iyo haatan kooxaha waa weyn iyadoo Real Madrid ay 100 milyan kula wareegtay Eden Hazard.

Arsenal

Xiddigaha Yimid

Cidna weli ma imaan

Xiddigaha ka tagay

Aaron Ramsey – Juventus, si lacag la’aan ah ayuu ugu biiray

Petr Cech – ciyaaraha ayuu ka fariistay

Danny Welbeck – waa la fasaxay

Stephan Lichtsteiner – waa la fasaxay

Chelsea

Xiddigaha u yimid

Christian Pulisic oo ay iibsadeen bishii Janaayo oo amaah ku joogay Borussia Dortmund ayaa ugu danbeyn xagaagan yimid Stamford Bridge

Xiddigaha ka tagay

Eden Hazard – Real Madrid, 88 milyan ginni (100 milyan euro)

Liverpool

Xiddigaha u yimid

Cidna weli ma imaan

Xiddigaha ka tagay

Alberto Moreno – waa la fasaxay

Daniel Sturridge – waa la fasaxay

Adam Bogdan – waa la fasaxay

Connor Randall – waa la fasaxay

Manchester City

Xiddigaha u yimid

Cidna weli ma imaan

Xiddigaha ka tagay

Vincent Kompany – Anderlecht, wuxuu ka noqday tababare iyo ciyaaryahan

Patrick Roberts – Norwich, amaah hal xilli ciyaareed ayuu ugu biiray

Manchester United

Xiddigaha u yimid

Daniel James – Swansea , 15 milyan ginni ayay ku soo iibsadeen heshiiskiisa waxaa la dhameystiri doonaa 11ka bisha Juun.

Xiddigaha ka tagay

Ander Herrera – waa la fasaxay

Antonio Valencia – waa la fasaxay

James Wilson – waa la fasaxay

Tottenham

Xiddigaha u yimid

Kion Etete – Notts County, lacagta lama shaacinin

xiddigaha ka tagay

Connor Ogilvie – Gillingham, lacagta lama shaacinin

Michel Vorm – waa la fasaxay

Dylan Duncan – waa la fasaxay

Charlie Freeman – waa la fasaxay

Tom Glover – waa la fasaxay

Jamie Reynolds – waa la fasaxay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here