Suuqa lacagaha dhijitaalka ah oo la kulmaaya hoos u dhac weyn.

0
136

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Suuqa lacagaha dhijitaalka ah (cryptocurrency) ayaa la kulmaaya hoos u dhac weyn isbuucyadii u dambeeyey taas oo suuqa lagala baxay in ka badan $99 bilyan oo dollar.

Bitcoin iyo Ethereum ayaa ugu horreeya lacaga wajahaaya hoos u dhaca, waxaana weheliya lacago kale oo caan ah sida XRP, Solana iyo BNB.

Hoos u dhacan waxaa sababay walaaca sii kordhaya oo ay qabaan maalgashadayaashu, oo hada dooebidaaya in ay maalgashadaan dahabka oo ay u arkaan hanti amaana xiliga uu jiro walaaca dhaqaalahu.

Waxaa kaloo weheliya walaaca laga qabo Bandhiga dhexe ee Maraykanku suueta galnimada uu koe ama hoos ugu dhigi karo xadiga dulsaarka.

Khubarada ayaa qaba in suuqa hadda uu yahay mid laga leexday, maalgashadayaashuna ay iibinayaan hantidooda dhijitaalka ah, maadaama ay lacaguhu gaadheen xadigii ugu sareeyey qiimo ahaan oo ay u oo aysan hada macquul ahayn in cid iibsato, taas oo laga yaabo in la arko bilaha soosocda in suuqu kasii daro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here