Baladweyne ( Radio Beerlula )-Suuqyada maaliyada ee caalamka ayaa la kulmay khasaare balaadhan kadib markii Madaxweyne Donald Trump ku dhawaaqay cashuuro cusub oo saameynaya badeecadaha laga keeno Shiinaha, Midowga Yurub, iyo Japan.
Talaabadan oo la filayo inay sare u qaaddo qiimaha badeecadaha caalamka ayaa horseeday hoos u dhac weyn oo ku yimid qiimaha saamiyada, lacagaha dhijitaalka ah iyo awoodda dolarka Maraykanka, halka dahabka uu gaadhay heerkii ugu sarreeyay ee uu abid gaadho.
Suuqyada saamiyada ee Maraykanka ayaa lumiyay boqolkiiba saddex illaa shan, iyadoo Dow Jones Industrial Average hoos uga dhacay 2.83%, Nasdaq Composite Index uu lumiyay 4.79%, halka S&P 500 uu hoos u dhacay 3.62%. Xaaladda suuqyada Yurub ayaa kasii darneyd, iyada oo CAC 40 ee Faransiisku hoos u dhacay 3.31% halka DAX ee Jarmalku uu lumiyay 3.08%. Suuqyada Aasiya ayaa sidoo kale la kulmay hoos u dhac, iyadoo Nikkei 225 ee Japan uu lumiyay 2.77%, Hang Seng ee Hong Kong uu hoos u dhacay 1.52%, halka Shanghai Composite uu isbedel yar oo ah 0.24% hoos ugu dhacay.
Qiimaha dolarka Maraykanka ayaa daciifay, isagoo hoos u dhacay 1.67% maanta oo kaliya, halka toddobaadkii ugu dambeeyay uu lumiyay qiimihiisa guud 5.87%. Daciifnimada dolarka ayaa loo aaneynayaa walaaca laga qabo kobaca dhaqaalaha iyo jawiga hubanti la’aanta ee uu abuuray go’aanka Trump.
Suuqa cryptocurrency-ga ayaa dharbaaxo la kulmay, iyadoo qiimaha guud ee suuqan 24 saacadood ee ugu dambeeyey lagala baxay aduun lacageed oo dhan $500 bilyan. Bitcoin oo ah lacagta ugu weyn ee dhijitaalka ah ayaa hoos uga dhacay $82,000. Maalgashadayaashu waxay muujiyeen kalsooni darro ku aaddan suuqan, taasoo sababtay in dad badani ay iska iibiyaan hantidooda dhijitaalka ah.