Baledweyne ( Radio Beerlula )-Taageerayaasha kubadda cagta ayaa ka digay in Pep Guardiola uu Mo Salah ku riixo inuu ku biiro Manchester City, kadib markii tababaraha City lagu arkay isagoo wadahadal kula jira xiddiga Liverpool kadob guushii 2-0 ee Reds ku gaartay Etihad.
Laacibka reer Masar ayaa ahaa xiddiga ugu weyn ee kulanka, isagoo dhaliyay gool halka uu sameeyay caawin si uu kooxdiisa ugu hoggaamiyo guul muhiim ah oo ay ku hanteen hoggaanka horyaalka Premier League.waxa ey 11 dhibcood ka sareeyaan Arsenal.
Kadib ciyaarta, Salah iyo Guardiola ayaa lagu arkay iyagoo si diirran isugu salaamaya garoonka dhexdiisa, kahor inta aysan ku wada sheekeysan gudaha Etihad.
Sheekadooda gaaban ayaa lagu qabtay kamaradaha, taasoo sababtay hadal-hayn badan oo ay taageerayaashu ka bilaabeen baraha bulshada.

Mid ka mid ah taageerayaasha ayaa ku qoray X (hore Twitter): “Pep Guardiola, ha sameyn wax xun!”
Mid kale ayaa yiri: “Pep wuxuu garanayaa xiddigaha heerk sare ah sida Mo!”
Mid kale ayaa faallo ka bixiyay: “Salah sanad walba wuu burburiyaa kooxda Pep, haddana wali Guardiola wuu jecel yahay!”
Taageere Liverpool ah ayaa yiri: “Gacmaha ka qaad isaga!”
Mid kale ayaa kaftan ku daray: “Guardiola wuxuu leeyahay: ‘Aan wada qaadno horyaal kale’.”
Salah ayaa hadda gaarsiiyay tiradiisa goolasha xilli ciyaareedkan 30 gool iyo 21 caawin 38 kulan oo uu saftay.
Xiddiga 32 jirka ah ayaa qandaraaskiisa Liverpool dhacaya dhammaadka xilli ciyaareedkan, waxaana uu dhawaan sheegay in tani ay noqon karto xilli ciyaareedkiisii ugu dambeeyay ee kooxda.


