Baladweyne (Radio Beerlula)- Taageerayaasha Barcelona ayaa farta ku fiiqay tababare Xavi Hernandez, kaddib markii ay ku eedeeyeen inuu mas’uul ka ahaa guuldarradii El Clasico ay kala kulmeen Real Madrid.
Real Madrid oo hoggaanka u qabatay horyaalka La Liga kaddib markii ay kaga adkaatay Barcelona 3-1, kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga ee dalka Spain.
Wargeyska ka soo baxa gobolka Catalonia ee Mundo Deportivo ayaa u qaaday taageereyaasha afti la xiriirta sababtii ugu weyneyd ee Barcelona looga adkaaday kulankii El Clasico ee shalay, wuxuuna sameeyay 5 doorasho.
Layaabka ayaa noqday in tirada ugu badan ee taageerayaasha Barcelona ay doorteen habka taatikada ah ee uu qaatay Xavi Hernandez, taasoo ah sababta ugu weyn ee guuldarada. Habka taatikadana waxaa ka mid ah doorashada qaabka, qorshaha iyo qaabka ciyaarta, waxaana doorashadan u codeeyay 43%.
Marka laga hadlayo afarta doorasho ee kale, waxa naloogu codeeyay qiimayaal u dhexeeya 12% ilaa 15%, xulashooyinkaasna waxa ka mid ahaa waxqabadka ciyaartoyga marka hore. Marka labaad khaladaadka shaqsiga, marka saddexaad daciifnimada maskaxda, iyo mida afaraad oo ah inay hooseyso qaan-gaarnimadooda dhanka maskaxda ah.