Baladweyne ( Radio Beerlula )-Taageerayaal badan oo Barcelona ah ayaa si adag u dhaleeceeyay tababaraha kooxda, Hansi Flick, kadib guuldarradii 4-3 ee ay kala kulmeen Inter Milan lugtii labaad ee semi-finalka Champions League. Ciyaarta oo ahayd mid xiiso leh ayaa ku dhammaatay wadar guud oo 7-6 oo ay Inter ku guuleysatay, iyadoo goolka guusha la dhaliyay waqtiga dheeriga ah.
Flick ayaa sameeyay isbeddelo dhowr ah intik lagu guda jiray ciyaarta, kuwaas oo ay taageerayaashu u arkeen kuwo aan waxtar lahayn. Tusaale ahaan, beddelka Araujo oo la keenay qeybta dambe ee ciyaarta ayaa keenay in kooxda ay lumiso awooddii difaac ee ay ku xakameynayeen Inter. Sidoo kale, daafaca da’da yar ee Pau Cubarsí ayaa lagu eedeeyay inuu ku fashilmay difaaca, taasoo horseeday goolal muhiim ah oo ay Inter dhalisay .
Inkasta oo Flick uu horay u sheegay in isbeddelada uu sameeyo ay yihiin kuwo uu isaga go’aansado, isla markaana ciyaartoydu ay tahay inay aqbalaan, hadana taageerayaashu waxay u arkaan in go’aamadiisa ay sabab u noqdeen guuldarrooyinka kooxda .
Guud ahaan, taageerayaasha Barcelona waxay dareemayaan in isbeddelada Flick ee ciyaarta ay ahaayeen kuwo aan la fahmi karin, isla markaana ay sabab u noqdeen in kooxda ay ka hadho tartanka Champions League.
Taageere ayaa ku qoray X:
“Inuu keeno ma aheyn Araujo, isagaa na khasaariyay.”
Mid kale ayaa yiri:
“Wuu ku degdegay beddelka, taasina waxay sababtay inaan harno.”
Mid kalena wuxuu qoray:
“Isagaa naga badiyay ciyaar aan horay u guuleysanay.”